Dab Xoogan oo Ka Kacay Kaymo Ku Yaal Waqooyiga Hargeysa

0
1064

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dab baaxad leh ayaa waxaa uu ka kacay dooxada dhalin Waraabe oo u dhaw Af-cad oo ka tirsan deegaanka ilinta dhexe ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

Dabkan oo aan ilaa haatan la ogayn waxa sababay ayaa la sheegay inuu yahay dab aad u baaxad leh, waxaana jira gurmad loogu jiro sidii loo joojin lahaaa.

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in la wado joojinta dabkaasi isla-markaana la samaynayo Moos weyn oo lagu joojinayo.

Maayarku wuxuu sheegay inay socdaan dedaalo ay wadaan Maamullada degmooyinka Daaraslaam, Bulloxaar iyo Shirkadda Somcable oo halkaa u dirtay  Cagafyo sameeya moos lagu joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here