Xoghayaha Golaha Wakiilada Oo Xorriyaddiisa Dib U Helay

0
903

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa Xorriyadiisa dib u helay ka dib markii uu todobaad ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Xoghayaha ayaa Maanta laga sii daayay Saldhiga dhexe ka dib markii 15-kii Bishan November loo taxaabay Xabsiga, iyadoo wakhti habeen ah Gurigiisa Ciidanka amaanku kala baxay. Xoghayaha ayaa mar la horkeenay Maxakamadda lagu xukumay mudo todobaad ah oo rumaan ah ka dib markii Xeer ilaalintu codsatay inay baadhis dheraad ah ku samaynayso Kiiskiisa.

Ilaa hadda lama Oga Cida haysatay Xoghayaha iyo Eedaha loo haystay balse waxa la xidhay wakhti Muran xooggani ka taagnaa Golaha wakiilada. Inkasta oo Dacwada garabka Gudoomiyaha ay ka mid ahayd sii daynta Xoghayaha haddana shalay laguma soo hadal qaadin xadhiga xoghayaha Xalkii Guurtidu ka gaadhay Murankii Golaha wakiilada.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here