Daawo Muuqaal: Wasiir Xagla toosiye oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Buuhoodle Digniin Adagna U Diray Cali Khaliif

0
811

Buuhoodle , (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland  Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye ) oo Hawlo shaqo u jooga Gobolka Buuhoodle ayaa  ka hadlay arimo badan oo khuseeya Xaalada amni ee Gobolkaasi, sidoo kalena tacsi u diray dad xoolo dhaqato ah oo habeenimadii Sabtida ay ilaalada nabad diidka cali khaliif ku dileen Deegaanka Carro-weyn oo nawaaxigeeda Buuhoodle ah.

 

Wasiirka Caafimaadka oo magaalada Buuhoodle kula hadlay TV-ga qaranka ayaa ugu horayn waxa uu tacsi u diray dhamaan shacabka Somaliland, gaar ahaana ehelada  dadka falkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay, waxana hadaladii wasiirka ka mid ahaa: ‘Waxa aan halkan tacsi Uga dirayaa ehelada  dadkii shalay waxyeeladu  ka soo gaadhay falkii maato-dooxa ahaa ee uu gaystay Cali Khaliif galaydh, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo intooda dhimatay intoodana dhaawacantayna uu caafimaad sareecan ah siiyo’

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka warka

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here