Maxay Ka Wadahadleen Erdogan iyo Xasan Sheekh?

0
749

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Turkiga ee dhowaan dib loo doortay Recep Dayib Erdogan.

Xasan Sheekh, ayaa ugu hambalyeeyay Erdogan guusha weyn ee uu ka gaadhay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga Axadii la soo dhaafay.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxtooyada Soomaaliya isla markaana faah faahin lagaga bixinayay wadahadalka labada Madaxweyne ayaa u qornaa sidan:-

“Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xidhiidhka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.”

Dowladda Turkiga, ayaa ka mid ah dowladdaha sida weyn uga taageera Soomaaliya tababarada ciidanka, waxaana magaalada Muqdisho ay ku leedahay Saldhig Milateri.

Shacabka Soomaalida, ayaa si weyn u soo dhoweeyay guusha Madaxweyne Erdogan ee doorashadii ku celiska ahayd iyadoo Soomaalidu ay si weyn ula socdeen doorashada Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here