CUGASHADA GURACAN & SOOYAALKII SEED: Qaybtii 13 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
1293

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

Gunnaanad:

Gunta iyo gabagabada qormada, cugashada guracan & sooyaalkii seed waxaan diirka ka qaadaynaa sida daahanta midabada badan ee Cirro iyo dhaqanka huwanta musdanbeedka reeraysani u naafeeyeen cuddudii xisbiga Waddani. Xisbiga waddani wuxuu lumiyay aaminkii dadka iyo kalsoonidii taageerayaasha galbeedka, badhtamaha iyo bariga dalka, ka dib markii xisbigu ku guuldaraystay rumeynta aragtidii uu afarta sanno iibinaayay ee aheyd in uu yahay xisbi u taagan aragti qaran, midnimo, isbedel, caddaalad, saami qaybsi dheelitiran, sifeynta aafadda qabyaaladda qaraabo-kiilka  iyo horumar qaran.

 

Runtii arrimaha kan muhiimka ah ee sare ku xusay waxa xisbigu ku bedelay aragti liidata oo hoosaysa aragti qaran oo xisbigii dhigtay meel ka hoosaysa xisbinimo qaran oo haddii uu talada dalka hanto dhisi kara dawladnimo qaran. Waxa xusid mudan in aafadda qabyaaladda iyo qaraabo-kiilka ay ka siman yihiin dawladda, asxaabta qaranka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulsho waynta dalka.

 

Hadaba, waxa is waydiin mudan maxaa xisbiga Waddani gaar loogu suntay dhaqankan qarannimada wiiqay?. Xaqiiqdii xisbiga waddani wuxuu dheer yahay asxaabta kale sharciyeynta qabyaaladda iyo qaraabo-kiilka, waxa qabiil iyo qaraabo lagu dhisan golaha dhexe ee xisbiga, wasiiradda qarsoon waxaa ka muuqda dheeli beeleed xisbinimo qaran ragaadiyay,  waxa laga yaabaa in asxaabta qaranku ka siman tahay lahaanshaha musdanbeed aad & aad u awood badan, balse ka Waddani waa far dheeraad ah oo 100% waa mid reeraysan.

 

Ugu danbeyntii, tani waxay keenaysaa in aakhirka dadka muwaadiniinta ahi is waydiiyaan waydiimo badan. Waxaa ugu miisaan wayn afar qodob oo diirada dul saara qiimeynta axsaabta iyo musharaxiinta loolanka ku jira sidda:

Qiimeynta Asxaabta Qaran:

  1. Diidmada Xulashada Xisbiga Waddani

Indheer garadka, aqoonyahanka, wax garadka bulshada & guud ahaan shacabka Somaliland ayaa hab dhaqankan qarannimada ka hooseeya ku diidi kara xisbiga Waddani. Qodobada lagu qiimaynaayo xisbiga Waddani ee guuldarada badaya waxa ka mid ah:

  • Qaangaadh la’aan xisbinimo iyo waayo-aragnimo yar.
  • Musdanbeed reeraysan, Wiilal idman iyo Talo Qabyaalad ku go’da.
  • Caddaalad darro iyo hoggaamin liidata.
  • Qaab-dhismeed sharciga dalka ka horjeedda.
  • Burbur iyo kala qaybsan hor leh.
  • La’aanta barnaamij iyo aragti qarannimo.
  • Nidaam xumo iyo maamuus yarida xilalka sida gurracan loo cugtay ee codka ummadda lagu rabo. Xurmo madhan, xafiisyo madhan iyo xilaal madhan oo Waraabe u taag ah.
  • Dar-jiidhka kooxdii inqilaabka iyo barakacayaashii siyaasada dawladda iyo xisbi xaakimka Kulmiye.
  • Sii xoojinta, iyo xalaalaynta aafadda qabyaaladda.
  • Soo qufida sooyaalkii sillanaa ee aramida siyaasadda, eelada joogta iyo utimaha maleegan hadda.
  • Cugashada gurracan, Abaal la’aanta caanka noqotay, is garab yaaca, sheegashada beenowday, Kala yaaca maanta, isku yaaca barito iyo male la’aanta huwanta hagardaamada isku mahadisay.

 

  1. Xulashada Xisbiga Kulmiye:

Runtii marka la eego heegga iyo muuqaalka guud ee asxaabta qaranka, waxa la  moodaa in hanaanka siyaasadda iyo aragtida ilaalinta qarannimada uu hormood ugu yahay xisbul xaakimka Kulmiye. Isaga oo in badan ka faaiidaysan doona khalalaadka siyaasadeed ee ka soo shaac baxay xisbiga qarannimada lumiyay ee Waddani. Hadaba, qodobada lagu xulan doono xisbiga Kulmiye waxa ka mid ah:

  • Qaangaadhnimo xisbi, siyaasad hufan, aragti qaran, qorshe suubban iyo biseyl amma qaangaadh hogaamin dawladeed.
  • Sooyaalka Xisbiga oo ku suntan ilaalinta danta dalka iyo dadka JSL. Inagoo ogsoon in 81 cod uu uga tanaasulay hoggaaminta dalka, jacayl ummadeed iyo jiritaanka haykalka qarannimada dalka, ilaaliyayna danta guud ee dalka iyo midnimada dadka JSL.
  • Ka soo bixidii waajibaadka mucaaradnimo muddaadii u dhaxay 2002 ilaa 2010 kii.
  • Waayo aragnimadda iyo odaynimda talada Madaxwayne Silaanyo.
  • Waxqabadkii dawladda sidda:
  • Unkida bilawga horumarka dalka.
  • Dhismaha iyo Dayactirka xarumaha dawlada.
  • Dhismaha iyo Dayactirka Waddooyinka dalka.
  • Dhismaha iyo Dayactirka gegooyinka diyaaraddaha dalka.
  • Kordhinta miisaaniyadda dawladda
  • Adkeynta haykalka dawladnimo.
  • Balaadhinta dekeda Berbera & hirgalinta maalgashi caalami ah.
  • Shaqo abuurka dhalinyarada & aqoonyahanka dalka. .
  • Ku qancinta jiritaanka dalnimada JSL ee aqoonyahan iyo siyaasiyiin muhiim ah oo awal aaminsanaa midnimada dalkii Somalia iyo wadda hadalada hadda u socda Prof: Ali Khaliif Galaydh.
  • Soo saarida dhalinyaro siyaasiyiin ah sidda Sharmaarke M. Geele, Hirsi Ali H. Hassan oo isagu ka siibtay siyaasaddii lagu soo barbaariyay iyo xisbinimada xisbiga Waddani.
  • Hirgalintii darajada ciidamada dalka.
  • Fulinta inta badan balanqaadyadii xisbiga.
  • Wax ka bedelka xeerarka jidaynaya in dhalinyartu ka qaybgasho loolanka miidaanka siyaasadda dalka.
  • Ogaanshaha khaladaadkii dhacay iyo qorshaha Sixitaanka doorka danbe…………

 

La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo

By: Jamal A. Muse                                                                                                                                     
dankaabo@hotmail.co.uk/ jamalabdiya@gmail.com /hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here