Ciidamo Fadhiisimo Ka Samaystay Dhul Madaxweyne Biixi Ku Haysto Qoysas Danyar Ah

0
3104

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa saaka bilaabay inay fadhiisimo ka samaystaan dhul Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku haysto qoysas danyar ah.

Dhulkan oo ku yaal galbeedka magaalada Hargeysa ayaa waxaa maalintii shalay ahayd ay ciidamada Boolisku ku dhaawaceen Laba qof oo shacab ah oo deganaa halkaasi.

Sidoo kale, dhulkan oo ay degan yihiin qoysas ka badan 600 oo qoys ayaa saaka xukuumadu ku soo daadisay 4 guuto oo ciidan ah.

Waxaa adag in gudaha loo galo goobtaasi sababo la xiidhiidha Ciidamo badan oo ku hareeraysan awgeed.

Ciidamada ayaa dadka degan goobtaasi ku amray in aanay wax dhaq-dhaqaaq ah samayn oo ay ku jiraan guryahooda.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada Boolisku ay dadka dhulkaasi degan u adeegsadeen rasaas xoogan iyagoona goobtaasi ku dhaawacay laba qof oo shacab ah oo degenaa dhulkaasi, waxaanay burburiyay guryo halkaasi laga dhisay.

Dhulkan oo mudo dheer la isku haystay ayaa waxaa murankiisu u dhexeeyaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Qoysaska halkaasi degan.

Wariye: Xamse Jirde

Hargeisapress Desk

Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here