Ciidamada Booliska Somaliland oo Dhaawacay Muwaadin Ay Dhulkiisa Xoog Kaga Qaadayeen

0
1279

Hargeisa (Hargeisa Press)- Warar ay helayso Shabakada Hargeisa Press ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Somaliland ay dhaawac culus u gaysteen muwaadin ay dhulkiisa xoog kaga qaadayeen.

Ciidamadaasi oo ka tirsanaa kuwa Somaliland ayaa rasaas ku furay nin lagu magacaabo Cali Aw Maxamed Jaamac, kadib markii uu diiday in uu dhulkiisa dajiyo dad ay ciidamada boolisku ay ka soo rareen xero ay daganayeen, sida ay Shabakada Hargeisa Press u xaqiijiyen qoyska muwaadinka dhaawaca culus loo geystay.

Dhaawacan culus ee ay ciidamadu u geysteen Cali ayaa imanaya kadib markii uu si weyn uga hor-yimid dalabka ay ciidamadu ku rabeen in dadkaasi ay dhulkiisa dajiyaan, kaasi oo ku yaala Koonfurta magaalada Hargeysa.

Ninkan iska leh dhulka ay ciidamadu dadka dajinayeen iyo weliba qoyskiisa ayaa diidmo adag kagala horyimid ciidamada, taasi oo sababtay inay ciidamadu furaan rasaas sababtay in Cali lagu sameeyo qaliin culus oo saacado dhowr ah qaatay.

Qoyska Cali Aw Maxamed ayaa qaylo dhaan iyo baaq u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyagoona ka dalbaday in laga soo gaadho ciidamada rasaasta ugu adeegsanaya dhulkooga.

Ilaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo laamaha amaanka oo ku saabsan iska hor-imaadkan sababay dhaawacaasi culus.

 

Wariye: Xamse Jirde 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here