Masuuliyiin Kawada Tirsan Xukuumada Somaliland oo Isku Khilaafay Muxaadiradii Laga Joojiyay Sheekh Maxamed Idiris

0
799

Hargeisa (Hargeisa Press)- Masuuliyiin ka wada tirsan Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay isku khilaafeen muxaadiradii laga joojiyay Sheekh Maxamed Idiris oo ka mida Culimada Soomaalida oo dhawaan laga eryay Somaliland.

Masuuliyiintan oo kala ah Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed iyo Maareeyaha Madbacada qaranaka Maxamuud Raage ayaa si aan isku mid ahayn uga hadley Sheekh Maxamed Idiris oo maalmihii la soo dhaafay Xukuumada Somaliland ka joojisay muxaadiro ama tobobar uu Hargeysa ku qaban lahaa oo la shaaciyay in lacag lagu galayo.

Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed ooh ore isagu u shaaciyay go’aankii Xukuumada Somaliland ku joojisay muxaadiradaasi Sheekha ayaa sii adkay go’aankaasi, waxaana uu sheegay in aan Somaliland laga ogolayn in uu muxaadiro ku qabto qof aan aamin sanayn qadiyadeeda ama jiritaankeeda.

Badhaasabka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Sheekhu uu garab maray sharciga maadaama buu yidhi aanu wax fasaxa ka qaadan dawlada.

Maareeyaha madbacada qaranka Somaliland Maxamuud Raage ayaa isna dhankiisa sheegay in Culimadu ay u dhexeeyaan dhamaan dadka Afsoomaaliga ku hadla waxaanu raali gelin hawada u mariyay Sheekh Maxamed Idiris, Isagoona tilmaamay in uu yahay Sheekh ay aad u jecel yihiin Shacabka reer Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here