Taiwan Oo Hargaysa Ku Qabatay Carwo Ganacsi

0
324

Hargaysa (Hargeisa Press): Waxaa shalay magaaladda Hargaysa laga  daah-furay Carwo ganacsiyeed balaadhan oo ay soo qaban qaabisay dawladda Taiwan gaar ahaana safaaradeedda  magaaladda Hargaysa.

Waxaana furitaanka carwadaasi ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), safiirka Taiwan u fadhiya caasimadda Somaliland, wasiir ku-xigeenka ganacsiga ee dawladda Taiwan, iyo ku-xigeenka golaha ganacsiga dibadda ee Taiwan.

Sidoo kale waxaa furitaanka carwo ganacsiyeedkaasi lagu soo casuumay oo ka qayb galay ergooyin ka kala socday dalalka gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid ahaayeen Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Tanzania, iyo Uganda.

Cawro ganacsiyeedkan ay Taiwan ku qabatay caasimadda Hargaysa oo soconaysa muddo hal maalin  ah ayay u jeedadeedu tahay  balaadhinta iyo suuq-gaynta wax soo saarka Taiwan oo ay ku fidinayaan dalalka gobolka Geeska Afrika.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here