“Tartamaddani waxay ku imaadeen tixgalinta iyo rabitaanka madaxwaynuhu uu siiyay ciyaaraha”…

0
529

Hargaysa (HP): Waxaa xalay abaal-marrino la guddoonsiiyay qaar ka mid ah ciyaar yahanadii ugu fiicnaa tartankii horyaaladii heerka koowaad, labaad iyo saddexaad ee  ka qabsoomay caasimadda Hargaysa.

Waxaana soo qaban qaabiyay qabsoomidda abaal-marinaha waaxda xidhiidhka Kubbada Cagta Somaliland oo kaashanaya wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee Somaliland.

Ciyaartooyadii abaal-marinaha la guddoonsiiyay ayaa isugu jiray kuwii ugu fiicnaa gool hayeyaasha, difaaca, dhexda iyo weerarka iyo weliba macalimiintii tababarayay kooxahaasi.

Waxaana ciyaartooyadaasi abaal-marinaha guddoonsiiyay agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo ay wehelinayeen xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland.

Abaal-marintii xafladani lagu bixiyay ee ugu saraysay ayaa la guddoonsiiyay ciyaar yahankii ugu fiicnaa caasimadda sanadkan 2021-ka, oo la siiyay Aamiin Xirsi Aamiin (Daad-madheedh).

Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha ciyaaraha, warfaafinta, shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda, maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa.

Xubno ka socday xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, bahda ciyaaraha, iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in qabsoomidda tartamadani ay ku yimaadeen rabitaanka iyo tixgelinta uu ciyaaraha siiyay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

C/rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa u mahad celiyay wasaaaradda Maaliyadda Somaliland oo bixisay kharashkaasi lagu qabanayay tartamadaasi, iyo  wasaaradda warfaafinta oo uu sheegay in ay qayb weyn ka qaadatay baahinta intii ay socdeen ciyaarahaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY