Itoobiya oo Mamnuucday Duulimaadyada Dul Mara Biyo-Xidheenka Tamarta Laydhka Ay Ka Dhalinayso

0
1431

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dowladda Itoobiya ayaa mamnuucday dhamaan duulimaadyada dul mara biyo-xidheenka laga dhalinayo tamarta laydha ee wabiga the Blue Nile, arimo amaan awogeed.

Madaxa maamulka Hawada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay maanta oo Isniin ah, in biyo-xidheenkaasi uu bilaabayo 12-ka bilood ee soo socda inuu soo saaro Laydhka.

Talaabadan ayaa uga sii dari karta khilaafka u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ee ku saabsan Dhaamka ay ku baxday $4 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam, kaas oo Qaahira ay sheegtay inuu halis ku yahay helida biyaha Niilka ee dalkeeda.

“Dhamaan duulimaadyada waa la joojiyey si loo sugo amaanka Biyo-xidheenka,” Sidaasi waxa yidhi Madaxa Duulimaadyada Hawada ee dalka Itoobiya, Wesenyeleh Hunegnaw, kadib markii uu sidaasi ugu sheegay khadka Telefoonka Wakaalada wararka ee Reuters. Waxaanu sidoo kale ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo sababta keentay arintaasi.

Hadal uu jeediyey isla maanta Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde oo ka hadlayey aqalka baarlamaanka ayaa yidhi “Sanadkani waxa uu noqon doonaa sanadkii Biyo xidheenka Itoobiya uu bilaabayo inuu soo saaro Laydh.”

LEAVE A REPLY