“Dadkiinan is laynaya waxaan idin leeyahay dalka nabadgeliyadiisa halaga shaqeeyo”…

0
362

Xudun (HP): Maayarkii hore ee degmadda Xudun oo ka tirsan gobolka Sool haatana ah xildhibaan ka mida golaha deegaanka degmadda Xudun, ayaa ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday gobolka Sool.

Waxaanu ugu baaqay beelaha dirirtu dhex martay in ay iska joojiyaan dagaalka aan macnaha lahayn ee ay isku dilayaan ceelasha biyaha iyo waxyaabaha kale ee aan la garanaynin.

Faarax Cali Ibraahim, oo maanta warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in nabadgeliyadu ay tahay Tiirka ugu weyn ee ay bulshadu ku nolaato, sidaas darteedna bulshadda deegaankaasi looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadgeliyadda dalka.

Geesta kale, Faarax Cali Ibraahim, waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu hayay xilkii maayarnimo ee degmadda Xudun, isagoona u mahad celiyay bulshadda deegaankaasi.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dhismaha xarunta dawladda hoose, biyo gelinta degmadaasi, dhismaha xarunta caafimaadka, dhismaha lagu kordhiyay dugsiga degmadaasi iyo Waddooyinba.

DAAWO: Faarax Cali Ibraahim Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY