BOORAMA:- Dhaqdhaqaaq Cusub Oo Ka Dhex Bilaabmey Golaha Deegaanka iyo Xiisada Ka Dhalatey Eedii Badhsaabka Culimadu Ujeedisay oo Shacabka Kicisey

0
1130

Boorama,(HargeisaPress)-Guud ahaanba Shacabka ku nool Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa Aragti isku mid ah ka qaatey eedii Jimcihii Toddobaadkii hore loo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali(Cabdi-Shaqaabe), Kadib markii Qaar kamid ah Culimada Gobolku khudbadii jimcaha ku sheegeen, in uu Diinta caayay arintaas, oo sii xoogeysatey markii uu Sheekhal Baledka Boorama Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar iyo culimo kale isla arintan muxaadiro  ka sheegeen in ay jirto, in Gudoomiyaha Gobolku diinta caayay oo ay tahey mid la xaqiijiyay.

Inkastoo,Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdi-shaqaabe iska difaacay eeda Diin cayga ah ee Culimadu Sheegtay,haddana marka dhab ahaan loo eego, hadalhaynta arintan ee Bulshada Reer Boorama waxa aan muran ka taagneyn, in Shacabku inta ugu badani gees kawada joogto, Gudoomiyaha Gobolka marka laga reebo Maayarka Degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi oo noqonaya Qofka kaliya,ee uu ka Irkadey Shacabka Gobolka oo sida dad baddani aaminsan yihiin dhinacna isaga kala socda dhinaca kalena, Culimada ku taageersan in Gudoomiyihu khalad dhinaca Diinta ah galey.

Marka si dhab ah hoos loogu dhaadhaco, arimaha khusuusiga ah ee ay loo nisbeynayo in ay sabab u yihiin kala fogaanshaha Shacabka Reer Boorame iyo Gudoomiyaha Gobolka Awdal, ayaa nuxurkeedu daaran yahey sadex qoddob oo Gudoomiyaha iyo Bulshadu kusii kala fogaadeen, haba ugu horeyso xuduntii khilaafka Golaha Deegaanka oo bilowgii Maamulkiisa Gobolka Saameyn kulahaa Markii uu qeyb ka noqdey khilaafkii Golaha iyo sidii uu u waajahay bilawgii  Xidhibaanada iyo Maayaarkii horeba islamarkaana, uu mar labaad Qeyb uga noqdey in Xildhibaankii Aqlabiyada Golaha haystey la dhaafiyo Xilka hogaaminta Golaha Xildhibaan Dheerayste, taas oo ay usoo raacdey in Gudoomiyuhu markii Deegaanada uu kasoo jeedo lagu diley laba Sarkaal oo kasoo jeeda Gobolka Awdal,hadana uu uga cararey Magaalada Boorama,si ka baxsan masuuliyadda isagoo u baxsadey dhinaca Hargeysa, intaa wixii ka dambeeyayna Sakati ka qaadey Guud ahaanba Bulshadii uu Madaxda u ahaa talaabadaas,kalsooni darada ah oo ka lumisey fursadii uu ku kasban lahaa Shacabka, Waxa usoo raacey labada Qoddob ee mid kamid ahi tahey in uu Saaxiib dhaw la yahey Maayarkii uu Watey ee Saleebaan oo ku fashilmey Xilkii Hogaanka Golaha Deegaanka iyo kii Mashruuca GPLG oo la tuhunsan yahey, in la musuqmaasuqey Mashaariicdii laga filayay in Wax lagaga qabto Boorama.

Waxa ay dadka intiisa ugu badani aaminsan yihiin in aan kor loo qaadeen hadii Gudoomiyaha oo cadheysani si ismoog ah u caayo Diinta, haddii uu Fiican yahey xidhiidhka isaga iyo Bulshada Gobolka Awdal u dhexeeyaa laakiin taasi tahey mid aan marnaba meel fiican joogin.

Sikasta oo ay arimuhu yihiin, Waxa dadweynaha Reer Boorame Gudoomiyaha Gobolkooda ku arkeen in marka lagu marti qaado Xaflad uu mudooyinkii dambe caadeystey, in uu isagu hadal kooban ku furro marka uu hadalka dhameystana ka taggo madashaasi, iyadoo arintaasi sabab looga dhigey tashuush uu Maayarku ku furey, oo isagu sas kala dhex galiyay Shacabkii iyo Gudoomiyihii Gobolka,markii aragtida dadweynuhu u badatey in Maayarkii xilka laga qaadey boqolkiiba boqol ka Waxqabad fiicnaa maayarka xilka haya.

Marka si guud loo dhugto xaalada xilligan ka taagan Gobolka Awdal,iyo Maamulkooda ayaa sawir dhab ah ka bixinaysa in ay kusii kala fogaanayaan, Shacabka iyo Xukuumaddu habdhaqanka  Gudoomiyaha Gobolka iyo Maayarka, iyadoo siweyn looga dareemayo Magaalada Boorame dhaqdhaqaaq cusub oo Wakhtigan Golaha Deegaanku kaga soo horjeedaan Gudoomiyahooda, tan iyo intii ka dambeysa hadal duurxul ah oo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici ku durrey Maayarka gaar ahaana sida uu ugu fashilmey Mashruucii GPLG ga iyadoo fashilaada Maayarka loo aaneynayo in Gudoomiyaha Gobolku qeybta ugu weyn yahey, mudadii uu Gobolka joogayna dib u dhac weyni ku yimid Hurumarkii iyo Waxqabadkii Bulshada.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here