Bilawga Talaalka Covid-19 Ee Johnson Johnson Oo Somaliland Laga Daah-furay

0
479

Hargaysa (HP): Wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka daah-furay talaalka cusub talaalka ee xanuunka Coronavirus ee Johnson Johnson.

Daah-furka talaalkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah ee ay wasaaradda caafimaadka wada shaqaynta leeyihiin.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen haayadda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha caafimaad ee WHO, haayadda UNICEF, iyo qaar kale, kaasoo noqonaya wejigii koowaad ee talaalka Johnson Johnson.

Talaalkani cusub ayaa magaciisa loo yaqaanaa Johnson and Johnson, kaasoo ah talaal loogu tallo galay in hal mar la qaado, marka lagu mudayo dadka laga talaalayo xanuunka Covid-19-ka.

Halka markii hore uu dalka yaalay talaalka nooca loo yaqaano AstraZeneca, kaasoo qofka lagu mudayay laba jeer marka laga talaalayo Coronavirus-ka.

Waxaanu qorshuhu yahay in ololahani talaal uu dhamaanba goboladda iyo degmooyinka dalka ka socdo afar todobaad ah, si bulshadda reer Somaliland looga talaalo khatarta xanuunka Covid-19-ka.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo daah-furka talaalkaasi ka warbixinayay ayaa ugu baaqay bulshadda in ay si habsami leh u qaatan talaalkan Covid-19-ka.

Waxaanu sheegay wasiir Gaafaadhi, in talaalkaasi laga heli doono dhamaanba xarumaha caafimaadka ee goboladda iyo degmooyinka dalka.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda  caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo daah-furka talaalkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay ahmiyadda uu leeyahay talaalkaasi.

Isagoona agaasimuhu u mahad celiyay haayadihii wasaaradda caafimaadka gacanta ka siiyay hirgelinta iyo helitaanka talaalkaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here