Hargaysa (HP): Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ayaa si qoto dheer u sharraxay sida uu taliye ahaan xilka isaga saaray sidii loo dhisi lahaa kalsoonida wada-shaqayneed ee ka dhaxaysa ciidanka iyo dadka shacabka ka ah.
Waxaanu sheegay in mudadii uu xilka hayay si weyn dib ugu habeeyeen ciidanka Booliska, isla markaana ay ku soo dareen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo la tallaabsata Tignoolajiyadda casriga ah.
Kuwaasoo khubaro ku ah hababka loo baadho danbiyadda ee wakhtigan casriga ah dambiyada kala duwan maanta loo fuliyo.
Sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeedinayay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay 28 guurrada ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliska Somaliland.
Taliye Dabagalle, waxa kaloo uu sheegay in sanadkii 2020-kii ay dejisteen qorshe ay ku hawl gelayaan muddo shan sanadood ahayd marka laga soo bilaabo sanadkaasi, kaasoo ka koobnaa todob qodob.
Qorshahaasi ayuu tilmaamay taliyuhu in ay ku cadeeyeen waxa ay ciidanka boolisku qabanayaan shantaa sanadood oo ka soo bilaabmaysay sanadkii 2020-kii.
Sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), waxa uu sheegay in qorshaasi qodobkiisa u horeeyaa uu ahaa in la dhiso kalsoonidda ka dhaxaysa booliska iyo bulshadda.
DAAWO: Taliye Dabagalle Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.