Badhasaabkii Togdheer oo Caawa ku Geeriyooday Turkiga

0
1468

ISTANBUL (HargeisaPress)— Ilahay ha u naxariistee waxa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Badhasaabkii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi oo xaalad caafimaadhalkaas maanta loogu qaaday.

ALLE ha u naxariistee Badhasaabkii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi ayaa u xannuunsanayey Kalyaha, waxaanu marxuumku Xukuumadda Somaliland ka soo qabtay Badhasaabka Gobolka Gabiley oo uu ahaa Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, iyadoo labadii sannadood ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na uu ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer. Waxaanu ahaa nin dhallinyaro ah oo ku dedaal badan shaqadiisa, kana shaqeyn jiray nabadgelyada iyo horumarinta gobolka Togdheer.

ilahay ha u Naxariisto qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga gobolka Togdheer ee uu madaxda u ahaa, waxaanu ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Marxuumka ayaa malaamahan loo qadi doona dalkii Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here