Badhasaabka Sool Maayarka Laascaanood iyo Madax Dhaqameed Taageeray Khudbadii Madaxweyne Biixi Ee Shirkii Jabuuti

0
782

Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood, masuuliyiinta laamaha dawladda ee Sool iyo madax dhaqameedka ayaa si weyn u taageeray khudbadii uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ka jeediyay shirkii Jabuuti ku dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya.

Masuuliyiintaasi iyo madax dhaqameedkuba waxay sheegeen in ay si buuxda u taageersan yihiin, isla markaana u soo dhawaynayaan guushii weftiga uu hogaaminayay  madaxweynaha Somaliland ay ka soo hooyeen shirkaasi iyo sidoo kale khudbadii madaxweynaha ee gar-naqsiga qadiyadda Somaliland.

Waxaanay maanta kulan ay ku taageerayaan guusha shirkii Jabuuti Somaliland ka gaadhay ku yeesheen   xarunta badhasaabka gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood.

Iyadoo ay goob joog ka ahaayeen badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, isu-duweyaasha iyo masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee gobolka Sool, xubno isugu jiray madax dhaqameed iyo odayaal.

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in khudbadii madaxweyne Biixi ay ahayd mid tariikhi ah oo uu il-duuf ka dheer yahay, isla markaana koobsatay faracyada guud ee ku aaddan qaddiyadda Somaliland.

Maraxladahii taariikh siyaasadeedka Somaliland ee ka soo bilaamayay sanadkii 1960- kii, intii ka danbaysay, taasoo taabanaysay gar naqsi xarrago leh iyo hiigsiga xilligan.

Sidoo kale maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa isna tilmaamay in khudbadii uu madaxweynaha Somaliland ka jeediyay shirkii Jabuuti ku dhexmaray jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in ay bogaadinayaan guusha ay weftiga Somaliland ka soo hooyeen shirkaasi, isla markaana ay si mug iyo miisaan leh u soo dhawaynayaan kaalinta tariikhiga ah ee ay Somaliland ka gadhay.

Daawo: Hadaladii Taageerrada ay Ku Muujinayeen Masuuliyiintaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here