Badhasaabka Gabiley Oo Ka Qayb Gallay Caleemo Saarka Caaqil Cusub

0
417

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley iyo maayarka Gabiley iyo masuuliyiin kale ayaa shalay ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu caleemo saarayay caaqil Xasan Yuusuf Warmo-haye.
Xafladaasi lagu caleemo saarayay caaqilka cusub ayaa lagu qabtay degaan Magaallo Qawdhan, oo ku taaalla dhinaca Koonfureed ee magaaladda Gabiley kana tirsan isla gobolka Gabiley.


Sidoo kale waxaa caleemo saarka caaqilka cusub ka qayb galay madax dhaqameed kala duwan oo isugu jiray, salaadiin, cuqaal, boqorro, siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Gabiley, iyo marti sharaf kale.
Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay caleemo saarka caaqilka cusub ayaa sheegay in madaxda dhaqanku ay kaalin muhiim ah ka mid yihiin muunadda bulshadeena qayb na ay ka soo qaateen ammaanka iyo horumarka dalkeenna.


Badhasaabka ayaa caaqil Xasan Yuusuf Warmo-haye, u rejeeyay guul iyo in Rabbi AWT uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, iyo inuu Arddaagga masuuliyaddan u igmatay si hufan ula shaqeeyaan.
Sidoo kale badhasaabka ayaa u mahad cellinayay bulshadii caaqilka Caleemo saaratay sida maamuuska sare leh ee ay ugu soo dhaweeyeen degaankaasi iyo madashii dhaqan ee caaqilka lagu caleemo saarayay.

Daawo: Hadalkii Uu Badhasaabka Gabiley Ka Jeediyay Caleemo Saarka Caaqil Warmo-haye:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here