“Dimoqraadiyadii iyo dastuurkii aynu sharciga u samaysanay waynu iska laabnay”…

0
427

Hargaysa (Dawan): Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay bulshadeenu weli u bislaanin qiimaha ay leedahay Waddaniyadu iyo kaalinta ay ka qaadan karto qaranimadda.
Waxaanu tilmaamay in nidaamka dimoqraadiyad ee aynu qaadanay ay lumiyay qabyaaladda oo ah mid ku salaysan dhaqankeena oo ka soo jeedda reer Baadiye, xoolo dhaqato ah, isla markaana ay bulshadeena ka maqan tahay waddaniyadu.
Taasoo keentay in ay wiiqdo dawladnimadii iyo dimoqraadiyadii aynu qaadanay ee aynu sharciga iyo dastuurka u samaysanay inta aynu iska laabnay in bulshadeenii ay dib ugu noqdeen hab dhaqankeenii asalkaa ee reer Miyiga ku salaysnaa.
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu sheegay in ilaa inta ay bulshadeenu fahmayaan qiimaha ay leedahay waddaniyadu in aan la gaadhi Karin daacadnimo wadaniyeed, isla markaana ilaa aynu qaranka dhisno oo qofku waxa uu Waddaniga ku noqonayo uu soo taabto.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu xalay u jeediyay ardayda jaamacadda New Generation faraceedda magaaladda Hargaysa, oo lagu soo casuumay.
Mawduuca qodobka lagaga hadlayay munaasibadaasi ay jaamacadda New Generation qabatay ayaa ku saabsanaa (Doorka Waddaniyad Jacaylku ka qaato Horumarka iyo Badhaadhaha Dalka).
Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbadiisa ku soo qaatay wakhtigii uu dalkeena haystay isticmaarkii Ingiriisku, iyo sida aanay ilaa xiligaa bulshadeenu ugu bislaanin qiimaha waddaniyadda iyo u hogaansanaanta dawladimadda.
Guddoomiyaha UCID ayaa ka sheekeeyay taariikh ahaan meesha ay ka khaldantay faham la’aanta bulshadeena ee waddaniyadda iyo dawladnimadda iyo xiligii aynu la midawnay Koonfurta Soomaaliya.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka hadlay halka ay dadkeenu ka taagan yihiin fahamka waddaniyadda mudadda sodonka sanadood ah ee aynu dawladnimadda haysanay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here