Badhasaabka Gabiley iyo Taliyaha Qaybta oo Loogu Hanjabay Inay Si Deg Deg Ah Uga Baxaan Gobolkaasi

0
1812

Gabiley (Hargeisa Press)- Madax-dhaqameedka, Cuqaasha iyo Salaadiinta magaalada Gabiley ayaa waxaa ay Badhasaabka Gobolkaasi iyo taliyaha qaybta ugu baaqeen in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Gabiley.

Madax-dhaqameedkab ayaa sidoo kale eedaymo culus u jeediyay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiirkiisa arrimaha Gudaha iyo gudidda kahortaga xanuunka Coronavirus.

Waxaa ay Madax-dhaqameedkani sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta isgu yimaadeen iyagoona kaga hadley arinta gobolnimada Gabiley oo ay sheegeen in ay xukuumadu hortaagan tahay gobolnimada Gabiley oo aanay gobol u aqoonsanayn.

Sidoo kale, waxa ay saluug ka muujiyeen raashin mucaawino ah oo ay soo gaadhsiiyeen gudidda kahortaga xanuunka Coronavirus oo ah raashin dhan 2,000-kun iyagoona sheegay inaanu gobolku u qalmin raashinkaasi oo ay uu aad u yar yahay islamarkaana aanu gaadhayn shacabka gobolkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here