Kooxo Ku Baaqay In La Daldalo Gabadh Soomaaliya Ku Afduubnayd Oo Muslimtay 0

0
1279

Rome (Hargeisa Press)- Silvia Romano ayaa waxaa beegsanaya ololaha nacaybka ee kooxaha garabka-midig ee Talyaaniga kadib markii ay wadankeeda dib loogu celiyay 18 bilood oo ay Al-Shabaab Soomaaliya ku haysteen kadib.

Silvia Romano waxaa ay diinta Islaamka qaadatay in tii ay Al-Shabaab madax furashadda u haysteen, qoskeeduna waxay xaqiijiyeen in 24 jirkan magaceeda ay u bedeshay Caa’isha.

“Islaam iyo farxad. Silvia kuma mahadsana,” ayaa lagu qoray bogga hore ee wargeyska garabka midig ee Il Giornale.

Siyaasi kasoo jeeda gobolka Treviso ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in Romano la dal-dalo. Balse durbadiiba qoraalkii waa la tir-tiray.

Ururkii ay la shaqayneysay ee Africa Milele oo raashin iyo dhar siiya caruurta Kenya ayaa war ay ku daabaceen websitekooda waxay ku sheegeen “soo dhawow Silvia, dhamaanteen waan ku sugeynay.”

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here