Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalka Ka Soo Yeedhay Soomaaliya

0
684

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay ra’iisal wasaare ku-xigeenka dawladda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Kaasoo sheegay in shacabka Somaliland ay jecel yihiin midnimadda Soomaaliyeed, balse ay xoog ku hor joogaan siyaasiyiintu.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ra’iisal wasaare ku-xigeenka dawladda Muqdisho ayaa sheegay in hadalka ninkaasi ka soo yeedhay uu yahay mid aanay weli ku dhawaaqin xubnaha Somaliland u dhashay ee Soomaaliya jooga.

Waxaanu sheegay in ummada reer Somaliland ay ka midaysan yihiin qadiyadoodda,  taasoo uu wasiirku ku tilmaamay mid uu ku gefay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Warfaafinta Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here