Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Xilkii u Kala Wareejiyey Maareeyihii Wakaaladda Waddooyinka iyo Maareeyaha Cusub+ SAWIRRO

0
701

Hargeysa (HargeisaPress) -Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor, ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Maareeyihii hore ee Wakaaladda Waddooyinka Somaliland iyo Maareeyaha cusub ee xilkaas loo soo magacaabay.

Xafladda xil-wareejinta ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirka Horumarinta Biyaha, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Wakaaladda  Waddooyinka iyo marti sharaf kale.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Maareye-ku-xigeenka Wakaaladda  Waddooyinka Mr. Mustafe Qalab  iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay Maareeyihii hore ee xilka wareejiyey, waxayna soo dhaweeyeen Maareeyaha cusub ee xilka la wareegay.

Maareeyihii hore ee Wakaaladda  Waddooyinka Somaliland Mr. Cismaan Sheekh Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xog-waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, isagoo u mahadnaqay masuuliyiinta iyo shaqaalaha ay soo wada shaqeeyeen.

“Waxa aan ogaaday in baahida dalkeennu ay tahay waddooyin, waana nolosha aasaasigeedii, waxaanan jecelahay in aan dulmaro waxyaabihii noo qabsoomay. Waddada Ceerigaabo way socotay, waxaanna bilaabay dowladdii uu gadh-wadeenka ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ilaahay miisaanka xasannaadka ha ugu daro, laakiin muddadaas aannu imminka joognay waxa aannu ku darnay 80km, waxa kaloo aannu sahan ku samaynay waddada u dhexaysa Burco, Laascaanood ilaa Tuko-raq. Waxa kaloo muddo soo socotay oo aannnu bilawnay waqtigii aan joogay waddada u dhexaysa Hargeysa ilaa Kala-baydh, taasoo weli socota, meel fiicanna maraysa,” ayuu yidhi Maareeyihii hore.

Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Waddooyinka Somaliland ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md.  Axmed Yuusuf Maxamed oo isna halkaas  hadal ka jeediyey, ayaa ugu horayn u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland oo xilkaas u magacaabay, isagoo soo bandhigay waxyaabaha uu kaga hawlgeli doono dhismaha dhinaca waddooyinka muddada uu xilka hayo.

“Wakaaladda Waddooyinka anigu inta aan runtii ka aamisannahay inay tahay mid ii cusub, iyadoo aan shaqooyin kale oo badan ka soo shaqeeyey, waxase aan garanayaa oo aan dareemayaa in waddadu ay tahay halbawlaha iyo wadnihii qaranka iyo ummadda reer Somaliland, markaa haddii lagu ciyaaro wadnaha iyo halbawlahana ama xididdada wadnaha qaar ka mid ah la qorya-qoryeeyo ama la mud-mudo dhibaatada ay leeyihiin ee ay keenayaan waan garanayaa, markaa waxa aannu leenahay waddadu halkii ay maraysay ayaannu ka sii wadaynaa, waanan sii kordhinaynaa oo waannu sii dedaalaynaa, cidkasta oo qorya-qoryeysa halbawlayaasha iyo xididadaas wadnaha galana colkeen waa dab-ilaalis,” ayuu yidhi Maareeyaha cusub.

Waxa kaloo uu ballanqaaday inuu si fiican ula shaqayn doono, ulan dhaqmi doono qaybaha kala duwan ee shaqaalaha iyo hawl-wadeennada Wakaaladda  Waddooyinka, kuwaasoo uu xusay inuu dhammaantoodba sharaf iyo karaamo u hayo.

Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo isna goobta xil-wareejinta ah hadal ka jeediyey, ayaa la dardaarmay Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Waddooyinka Somaliland, waxaannu yidhi; “Anigu masuulka la beddelo kama naxo, ka yimaadana kuma farxo, waana iska caadi oo shaqada maalinlaha ah ayey la mid tahay, markaa Maareeyaha soo socda (xilka la wareegay) waxa aan leeyahay saaxiibkaagii ayaannu nahay oo waannu ku garab taagannahay, waanan kula shaqaynaynaa, wixii waayo-aragnimo ah ee xafiiska raggii kaaga soo horeeyey, haddii ay tahay Wasiir iyo haddii ay tahay cidda ka shaqaysa Wakaaladdaba (Wakaaladda Waddooyinka) waa in aad marka hore dhegaysi badan samayso ayaa lagaaga baahan yahay.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo gunnaanadkii xafladda xil-wareejinta ah ka hadlay, ayaa sheegay in Maareeyaha cusub uu ku soo beegmay xiligii ugu fiicnaa ee ay Wakaaladda Waddooyinku (RDA), isagoo xusay in hore loo soo maray duruufo adag oo jiray, lagana soo gudbay.

“Waxa jirtay xiliyo ay duruuf adag jirtay oo laga soo gudbay oo shaqo aan isleeyahay marka laga tago xagga Ilaahay, xag bani’aadamna ku fiican waannu qabannay, markaa waxa aan runtii leeyahay waannu sii sagootiyeynaa Maareeyihii hore, isla markaana aan u mahadnaqo waxyaabihii u qabsoomay muddada uu xilka hayey, waxaanan soo dhawaynaynaa Maareeyaha cusub,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

LEAVE A REPLY