Wasaaradda Deegaanka JSL “Hagaha Qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo Bulshadda…”

0
818

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay ku dhaqan-galinayso Hagaha Qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo Bulshadda ee dhanka mashaariicda horumarinta deegaanka.
Wareegtadaasi oo ay ku saxeexnayd wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, lagu na socod siiyay wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda, haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah, iyo shirkadaha madaxa banaan.
Waxaana wareegtadaasi ogaysiin lagu siiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaan, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, iyo sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland,

Waxa kaloo wareegtadaasi lagu sheegay in wasaaradu ay samaysay oo ansixisay hagaha qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda, kaasoo loogu tallo galay in lagu xakameeyo raadaynta taban, ee mashaariicdu ku yeelan karto deegaanka, iyo bulshadda.

Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here