Baanka Dhexe oo Ruqsada Isku-Bedelka Sarifka Lacagaha Kala Noqday 228 Sarifle

0
818

Hargeysa (Hargeisa Press)- Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa waxaa uu shaaciyay in uu laba boqol, labaatan iyo siddeed (228) Sarifle kala noqday ruqsaddii isku beddelka sarifka lacagaha, ee adeega Mobile ka dhexdiisa, kuwaasi oo uu hore ruqsada u siiyay baanka dhexe ee Somaliland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay baniga dhexe ee Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Baanka Somaliland, tallaabadaas oo lagu sheegay waajibaadka iyo masuuliyadaha uu Bangigu ugu xilsaaran yahay Qaranka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in uu la socdo dhaq-dhaqaaqyada Hay’adaha maaliyadeed si loo hubiyo bad-qabka iyo xasilloonida suuqyada maaliyadeed ee dalka.

War-saxaafadeedka Baanka oo dhammaystiran, ayaa waxa uu u dhignaa sidan;-

“Ujeeddo: Kala Nogosho Adeegga isku-sarriftka lacagaha. Baanka Somaliland waajibaadka iyo masuuliyadaha uu ugu xilsaaran yahay Qaranka waxaa ka mid ah in uu la socdo dhaq-dhaqaaqyada Hay’adaha maaliyadeed si loo hubiyo bad-qabka iyo xasilloonida suuqyada maaliyadeed ee dalka sida ku cad Qodobka 4aad iyo Qodobka 69aad ee Xeerka Baanka Dhexe Xeer Lr.54/2012.

Haddaba, isaga oo xoojinaya siyaasadda la socoshada isku-sarrifka lacagaha qalaad iyo dhammaan Sarriflayaasha ka hawl-gala dalka, si loo helo maarayn sax ah, sida ku cad Qodobada 87aad iyo 88aad ee Xeer Lr.54/2012, waxa uu liisanka adeegga isku-sarrifka lacagaha kala noqday sarriflayaal tiradoodu dhan tahay 228 sarrifle kuwaas oo aan cusboonaysiin lisankooda muddo ka badan 3 sanno, isla markaana ka dhago-adaygay yeedhmooyinkii Baanka Somaliland iyo shirkadaha siiya numberada adeegga isku sarrifka lacagaha.

Sidaa darteed, Baanka Somaliland waxa uu farayaa Maamulka Addeega Zaad iyo e-Dahab in ay ka joojiyaan adeegga isku-sarrifka lacagaha electrooniga ah dhammaan sarriflayaasha ku cad lifaaqa, maaddaama ay sifo sharci darro ah isla markaana baalmarsan Xeerka Baanka Somaliland Lr. 54/2012, Faqradda 4aad ee Qodobka 743ad ugu shaqaysanayeen Adeegga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here