Wasiirka Maaliyadda oo Ka Hadlay Dhaqaalaha Ay Ugu Talagaleen Doorashooyinka

0
1368

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa maanta waxaa uu hortagay Gudidda Joogtada ah iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada.

Gudida Joogtada ah iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada, ayaa kulan ay wasiirka la yeesheen kaga xog-waraystay xaalada guud ee dhaqaalaha dalka, miisaaniyadda iyo Cashuuraha dalka.

Wasiirka, ayaa si waafiya xogo uga bixiyay qodobadaasi kala duwan oo ay waydiiyeen Gudidda Joogtada ah iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay jirin wax dayna oo dalka lagaga leeyahay dalka dibeddiisa, balse ay jiraan biilal taagan.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay dhaqaalaha ay ugu talagaleen Doorashooyinka dalka ku soo Foolka’le, waxaana uu sheegay in ay Miisaaniyada ay madax xisaabeed gaar ah uu ugu jiraan qabashada doorashooyinka.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in markab la baxsaday cashuurtii, in laga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here