Xisbiga UCID oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aankii Guddida Doorashooyinka Somaliland

0
1639
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa ganafka ku dhuftay go’aankii shalay ay Guddida Doorashooyinka Somaliland ka soo saareen arrimaha doorashooyinka  ee la xidhiidhay wakhtiga la qabanayo doorashooyinka Madaxweynaha iyo ta ururada siyaasadda.

Bayaan ka soo baxay xisbiga UCID, ayaa waxaa lagu sheegay in kadib markii shir ay iskugu yimaadeen guddiga fulinta UCID 18/07/2023, kaas oo lagu lafa gurayay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan go’aankii Guddigga Doorashooyinka ay ka soo saareen doorashooyinka Somaliland, ayay guddiga fulinta UCID ku tilmaameen mid sharci darro ah oo aan wax ka soo qaad lahayn .

Xisbiga UCID, ayaa waxaa uu bayaanka uu soo saaray ku sheegay in go’aanka ka soo baxay guddida doorashooyinka Somaliland lagu diyaariyay meel ka baxsan Koomiishanka waa sida ay haadlak u dhigeene.

Waxaana uu xisbigu sheegay in guddida doorashooyinku ay iska indha tireen doorashadii sharciga ahayd ee madaxtooyada, islamarkaana ay ku dhawaaqeen doorasho aan lahayn xeerarkii lagu geli lahaa.

Guddiga fulinta xisbiga UCID, ayaa uga digay guddigga doorashooyinka Somaliland gaar ahaan garabka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadda waa sida ay hadalka u dhigeene in ay qabtaan doorasho aan sharci ahayn waxayna ugu baaqeen in ay ku soo noqodaan xayndaabka sharciga.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here