“Baahiyiina hoos baa loo eegi doonaa wax na waa laga qabanayaa”…

0
357

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley oo ay wehelinayeen maayarka Gabiley iyo isku-duwaha wasaaaradda caafimaad ee gobolkaasi ayaa maanta kormeer ku tegay degaanka Gees Dheere ee Waqooyiga Gabiley.
Iyadoo weftigaasi uu hogaaminayo badhasaabka Gabiley ay si weyn u soo dhaweeyeen bulshadda deegaanka Gees Dheere, isla markaana halkaasi ay hadhimo sharafeed qaddo ah ugu sameeyeen.


Waxaanay masuuliyiintaasi kulamo la yeesheen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool degaanka Gees Dheere ee waqooyiga gobolka Gabiley.
Kuwaasoo ay ka dhegaysteen baahiyaha kala duwan ee ay qabaan iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay wakhtigan la joogo aadka ugu baahan yihiin.
C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Gabiley oo la hadlay odayaasha iyo waxgaradka deegaan Gees Dheere, ayaa si weyn ugu mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.


Waxaanu badhasaabku u sheegay bulshadda Gees Dheere, in dawladda uu waajibaad ka saaran yahay masuuliyadda bulshadda, isla markaana wax kastoo baahideedda ah ay daboosho ama wax ka qabato.

Badhasaabka ayaa u balan qaaday bulshadda deegaanka Gees Dheere, in wixii baahiyo ah ee ay u soo gudbiyeen in hoos loo eegi doono, wixii laga qaban karo na laga qaban doono.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here