Olole Nadaafadeed Oo Laga Fuliyay Cusbitaalka Guud Ee Laascaanood

0
322

Laascaanood (HP): Shaqaalaha cusbitaalka guud ee degmada Laascaanood ayaa maanta ka qayb galay olole ballaadhan oo qashinka lagaga nadiifinayo gudaha cusbitaalkaasi.
Waxaana ololahaas nadaafadeed ka qayb qaatay masuuliyiinta cusbitaalka iyo dhamaanba shaqaalaha ka hawl galla qaybaha kala duwan ee cusbitaalka Laascaanood.
Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Degmada Laascaanood Cali Naasir, ayaa sheegay in ololahan ay ugu talogaleen inay ku nadiifiyaan qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka gaar ahaan barxadda uu ku yaallo.
Kaasoo ay gudaha dhismaha cusbitaalka kaga gurreen ama kaga ururiyeen qashinka iyo walxo gaboobay iyo qashin kale oo cusbitaalku soo saaray.
Waxaanu sheegay in qorshuhu yahay in toddobaad kasta la sameeyo ololahan nadaafadeed oo kale, si cisbitaalka iyo hareerihiisu ay u noqdaan goob ka caaggan xashiishka iyo waxkasta oo saxada bukaanka waxyeeleeya.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in ololahan ay kala qayb qaateen sidoo kale, dawladda hoose ee degmada Laascaanood, oo uu sheegay inay u keeneen gaadiidkii ay qashinka ku guri lahaayeen.
Isagoo uga mahadceliyay Maayarka iyo agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dalwadda hoose ee Laascaanood, siday u garab istaagaan cisbitaalka guud ee degmada.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Offie.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here