Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Somaliland oo Lagu Dilay Degmada Lughaya

0
3021

Lughaya (Hargeisa Press)- Wararka ka naga soo gaadhaya deegaanka Lughaya ayaa sheegaya in xalay askari ka tirsanaa ciidamada Somaliland toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa tuulada Tuurka oo ka tirsan degmada Lughaya.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Saleebaan Cabdaalahi Jaamac Ducaale, waxaana uu ka tirsan Ciidamada Millateriga Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu fuliyey, isla akari kale oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo toogasho ku dilay marxuumka isaga oo hurday.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado, balse ay ciidamada ammaanka ku qabteen deegaano u dhexeeya Beeyo-Cadaado iyo Gargaara, iyadoona loo taxaabay xabsiga Booliiska Garbadadar ee Gobolka Awdal.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay askariga geeriyooday, balse saraakiisha ciidamada Milateriga Somaliland ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baadhitaano dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here