Cabdiweli Gaas oo Iska Fogeeyay Inuu Lunsaday Dhaqaalihii Heshiiska Dekeda Boosaaso

0
1223

Garoowe (Hargeisa Press) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Abdiweli Cali Gaas, ayaa iska fogeeyay inuu lunsaday dhaqaalihii ku baxay heshiiskii dekeda Boosaaso oo maamulkeeda ay kula wareegtay shirkadda DP World.

Shirkadda DP World ayaa lacag $15 malyan ah siisay maamulka Puntland, taasoo ahayd lacag loogu magac daray xaqul qalin islamarkaana aan ku jirin heshiiska guud ee dekeda lagu maalgalinayo.

“Hal dollar igama soo gelin heshiishka dekedda Boosaaso, $15 malyan oo Puntland saxeexa loo siiyey waxaan ku dhisay garoomo, madaxtooyooyin iyo waddooyin”.

Cabdiweli Gaas iyo xukuumadiisii hore ayaa lagu tilmaamaa inay sameysay musuq maasuqii ugu xumaa ee soo mara maamul goboleedka Puntland, waxaana meelaha aad farta loogu fiiqay kamid ah heshiiska dekeda Boosaaso iyo mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacyo.

Labadan mashruuc ayaa weli ah kuwo aan la mahdin, waxaana saameyntii ka dhalatay ay culays ku keentay shacabka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here