Askari Israa’iili Ah oo Toogasho Ku Dilay Wiil Falastiini Ah

0
655

Nablus (Hargeisa Press) – Askari Israa’iili ah, ayaa shalay oo Jimce ah ku toogtay meel bannaan ah Nin Dhallinyaro Falastiini ah, kadib markii ay isku dhaceen badhtamaha Huwwara ee koonfurta Nablus, sida uu muujinayo muuqaal la duubay.

Muuqaalka, ayaa muujinayay Askariga oo meel banaan ah ku tooganaya Nin dhalinyarada kadib markii ay gacan ka hadal dhexmareen.

Ninka dhalinyarada ah, ayaa lagu magacaabi jiray Ammar Mefleh, oo 22 jir ah, kana yimid tuulada Osrin oo ku taal koonfurta Nablus.

Ciidamada Israa’iil ee ku sugnaa goobta ay toogashadu ka dhacday, ayaa dadka deegaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah u diiday in ay gurmad u fidiyaan Ninka Dhalinyarada oo dhaawac ah, taasi oo keentay in ay isku dhacaan dadka deegaanka.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin, ayaa sheegtay in hay’adda guud ee arrimaha madaniga ah ay wasaaradda ku wargalisay in ninka dhalinyarada ahi u dhintay dhaawacii soo gaadhay.

Madaxtooyada Falastiin, ayaa si kulul u cambaareysay falkaasi foosha xumaa ee uu askariga Israa’iili-ga ah ugu geystay ninka Falastiiniga ah magaalada Huwwara ee magaalada Nablus, waxayna ku tilmaantay fal-dambiyeed aad u fool-xun oo qayb ka ah fal-dembiyeedyada isdaba jooga ah ee maalin walba ku dhaca shacabka Falastiin.

Madaxtooyada, ayaa bayaan ay soo saartay, ku xaqiijisay in dembiyadan oo noqday siyaasad rasmi ah oo dowladihii is-xigay ee Israa’iil ay u baahan yihiin faragelin deg-deg ah si loo helo ilaalin caalami ah oo la siiyo dadka Falastiiniyiinta ah ee aan isdifaaci karin.

Waxa ay carrabka ku adkeysay in aamusnaanta caalamiga ah ee sii socota ay horseeday in dambiyada noocan oo kale ah lagu sameeyo, iyadoo sheegtay in siyaasadda joogtada ah ee isla xisaabtan la’aanta ay ku dhiirigelisay in Askarta Israa’iil galaan dambiyo badan oo ka dhan ah dadka reer Falastiin.

Ra’iisal Wasaaraha Falastiin Maxamed Shtayyeh, ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay fal-dambiyeedka lagu toogtay Ninka Dhalinyarada Falastiiniga ee Huwwara, ee Nablus, ay ka tarjumayso cunsuriyadda abaabulan ee ay ku dhaqmaan askarta Israa’iil.

Shtayyeh, ayaa muujiyay sida uu uga naxay oo uu uga cadhooday muuqaalka murugada leh ee Ninka Dhalinyarada sida xun loogu toogtay meel banaan ah oo uu toogtay askari Israa’iili ah.

Waxa uu sheegay in askarta Israa’iil ay dareemayaan kalsooni ah in aan lagula xisaabtami doonin dambiyada ay galeen taas oo ku dhiiri galinaysa in ay soo noqnoqdaan dambiyadan oo kale.

Shtayyeh, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta dambiyadan naxdinta leh, isagoo ugu baaqay wadamada caalamka in ay si deg deg ah u soo fara geliyaan si ay u joojiyaan dambiyada ay Askarta Israa’iil ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Waxaa uuna ku booriyay maxkamada caalamiga ah ee dambiyada in ay dedejiso la xisaabtanka Askarta Israa’iil, isagoona tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska Ninka Dhalinyarada ah.

Geesta kale, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo ajaaniibta ee Falastiin, ayaa iyaduna si weyn u cambaareysay dilka ninka dhalinyarada ah ee Falastiiniga ah ee uu dilka u geystay askariga Israa’iiliga ahi.

Bayaan ay soo saartay Wasaaraddu, waxay ku sheegtay in dowladda Israa’iil si toos ah mas’uul uga ahayd dambigan foosha xun taas oo mar kale caddaynaysa qorshayaasheeda ay hore u go’aamisay ee ahaa inay xaaladda sii xumayso oo ay ballaadhiso baaxadda dilalka iyo beegsiga Falastiiniyiinta.

Waxay carrabka ku adkeysay in dembigan foosha xun uu soo dedejiyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah (ICC) inay ilaaliso mas’uuliyadeeda, ka baxdo aamusnaanta, isla markaana ay si degdeg ah u soo afjarto baadhitaannada ay waddo si loo hubiyo in dembiilaha dembiga geystay iyo dembiyada kale lagu soo oogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here