Guddiga Doorashooyinka oo Looga Yeedhay Golaha Wakiillada

0
1423

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga hoosaadka arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta xarunta golahaasi ugu yeedhay xubnaha Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Xubnaha, Guddiga Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa waxaa hogaaminaya Guddoomiyaha Guddigaasi, oo ay weheliyaan xubnaha guddigaasi.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha Wakiillada, ayaa kala xaajooday xubnaha Komishanka Doorashooyinka halka ay hawlaha doorashada marayso iyo arrimaha muranku ka taagan yahay.

Waxaa kale oo ay Guddiga amniga ee golaha Wakiilladu kala hadleen Xubnaha Guddiga Doorashada sida ay u soo kala horeynayaan doorashada madaxtooyada iyo ta Ururrada Siyaasada.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee golaha Wakiillada oo warbaahinta uga warbixiyay kulanka ay la yeesheen xubnaha Guddiga Doorashada, ayaa cadayn inay isla qaateen sida ay u soo kala horaynayaan labada doorasho. 

Somaliland wakhtigan waxa ka taagan is-maandhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, kaasi oo salka ku haya arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here