”Anigu ma rabo cod Jilib ee waxaan idiinka fadhiyaa codkiina oo dhan…”

0
910

Boorama (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, iyo Wershadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa bulshadda gobolka Awdal ka codsaday in ay u codeeyaan xisbiga Kulmiye marka la gaadho doorashooyinka.

Wasiir Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo ah guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye, ayaa shacabka Awdal ka dalbaday inuu uga fadhiyo in ay si buuxda u doortaan.

Waxaanu sheegay in aanu rabin cod jilib hoose, balse uu ka doonayo in ay si buuxda ugu codeeyaan marka doorashooyinku qabsoomayaan.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen badhasaabkii hore ee gobolka Awdal, iyo badhasaabka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here