Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo Shaacisay Fursaddo Muhiim Ah

0
1623

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, ayaa baahisay fursado muhiim ah oo ku waajahan hablaha danaynaya inay qaataan xirfadda tababarka macalinimada.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maanta wasaaradda oo lagu shaaciyay Fursaddaha, ayaa la raaciyay shuruudaha looga baahan yahay hablaha danaynaya inay ka qayb qaataan.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in cidii danaynaysa xirfada macalimiinta inay ku soo xaraystaan Cv-gooda xarunta wasaaradda waxbarashada gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan xafiiska waxbarashada gobolka Maroodi-jeex.

Qoraalka wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in mudada lagu soo xaraysanayo Cv-yada ay kooban tahay oo ay tahay mudo saddex maalmood ah oo ka bilaabmi doonta 2/7/2023 ilaa 4/72023.

Hoos ka akhhriso qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here