Akhri: Magacyada Iyo Qabaa’ilka Ay Ka Soo Jeedaan Dadkii Lagu Xasuuqay Gaashaamo Iyo Sababta Xasuuqu Ka Dhashay

0
1414

BURCO , (HargeisaPress) —Akhri:- Magacyada Iyo Qabaa’ilka Ay Ka Soo Jeedaan Dadkii Lagu Xasuuqay Gaashaamo Iyo Sababta Xasuuqu Ka Dhashay

1- 10 Marxuum oo ka soo jeeda ardaaga Muuse Carre ee beesha habar-yoonis oo 3 ka mid ahi ay dumar ahaayeen
2- laba marxuum oo ka soo jeeda beesha Cabdi Xirsi (Habar Yoonis)
3- sadex ka soo jeeda Beesha baho Caynaanshe (Habar Yoonis)
4 – Shan ka soo jeeda beesha Muuse Ismaaciil (Habar Yoonis)
Iyo Marxuumad Caasha Masmud Jamac oo ka soo jeedda ardaaga Reer Daahir ee Beesha Habar Jeclo
tiradaas oo marka la isku daro dhimashada dadka ilaa hadda la xaqiijiyey ka dhigaysa 21 marxuum ayaa hadana waxa jira warar qaar sheegayaan in ay jiraan shar ruux oo iyaguna meelo kala duwan oo duleedka tuulada ag lagu dilay balse aanay warbaahinta u suurta galin in ay xaqiijiyaan
wararka qaar ayaa sheegaya in weerarku intaanu dhicin ka hor ay saraakiisha waaxda cashuuaha itoobiya isku dayeen in ay tulada ka kaxaystaan gaadhi aan dhanka itoobiya ka cashuurnayn balse ay dadkii halkaa ku sugnaa iska hor istaagaan kaxaysiga gaadhiga waxaana halkaa ka dhashay isku hor imaad labada dhinac ah oo sababay sarkaal ka tirsanaa waaxda cashuuraha ee itoobiya.
waxa jira warar kale oo sheegaya in uu jiro kulan ay isla maaanta u balan san yihiin wasiirka arimaha dibadda somaliland iyo wakiilada dowladda itobiya u fadhiya dhanka Somaliland.

Warbaahinta HargeisaPress

Burco Office 

sakariye cabdiraxmaan ibraahin

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here