Michael Rubin oo Sheegay Inay Somaliland Dhibane U Tahay Guusheeda Nabada

0
2758
Michael Rubin
Michael Rubin

Washington (Hargeisa Press) – Michael Rubin oo ah khabiir Mareykan ah oo falaan-qeeya siyaasadda Caalamka, kana tirsan Macadka American Enterprise Institute, ayaa waxaa uu sheegay in ay Somaliland dhibane u tahay guusha ay ka gaadhay Horumarinta Dimuqraadiyadda iyo Nabadda Mandaqada Geeska Afrika iyo Xidhiidh ay la samaysay Mareykanka iyo Taiwan.

Michael Rubin, ayaa sidoo kale sheegay in ay Somaliland dhibane u tahay guusha ay ka gaadhay ilaalinta nabadda mandaqada, iyada oo si xor ah u ilaalinaysa xuduudaha dalalka jaarka ah, ilaalinta maraakiibta ku socdaalaysa baddeeda, iyo in aanay budhcad badeedda iyo ururada argagixisada ah u ogolayn in ay saldhigyo ka samaystaan ​​Somaliland.

Iyadoo ay taasi jirto buu yidhi, haddana Somaliland ma aanay helin aqoonsigii ay mudnayd, taas beddelkeedana waxay noqotay dhibane.

Michael Rubin, oo qoraal dheer oo uu kaga hadlayo duulaanka Somaliland lagu soo qaaday, oo ay soo turjuntay Shabakada HargeisaPress, ayaa waxaa uu sidoo kale ku sheegay in Ololaha Khalkhal Gelinta Somaliland, uu soo bilowday xiligii uu Soomaaliya Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo.

Famaajo, ayuu sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu samaysto isbahaysi ka dhan ah Somaliland oo uu taageero iyo tabobar u helo ciidamadii uu soo xushay ee dagaal ka dhan ah Somaliland.

Michael Rubin, wuxuu sheegay iyadoo aan la iska indho tiri karin cabashada ay qabaan bulshada reer Laascaanood, haddana ay marag madoon tahay in qalalaasaha ka taagan magaalada Laascaanood ay hurinayaan saddex kooxood oo kala duwan oo kala ah Maleeshiyada Sool, Al-Shabaab iyo Soomaaliya.

Saddexdan kooxood, ayuu sheegay in ay wadamo shisheeye u adeegsanayaan khalkhal gelinta dalka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ka dhawajiyay in arrintani ay abuurtay dhaqdhaqaaq aan cadaalad ahayn oo u saamaxaya kuwa doonaya inay Somaliland wax u dhimaan inay faafiyaan warar khaldan, iyadoo buu yidhi aan Somaliland la siinin fursad ay ku toosiso taariikhda.

Khabiir Rubin, ayaa sheegay in iyadoo ay weeraradaasi jiraan, hase ahaatee ay Somaliland sii waday u ololaynta nabadda iyo xasiloonida mandaqada gobolka Geeska Afrika.

Wuxuu sheegay inay Somaliland si joogto ah u ilaashatay mawqif dhexdhexaad ah oo ay ka taagan tahay khilaafyo iyo dhacdooyin badan oo caalami ah, iyadoo buu yidhi mawqifkaasi ay qaadatay uu ahaa seef laba af le ah.

HargeisaPress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here