Adhi-Cadeeye: Badhasaanka Sool Oo Furay Shir Lagu Heshiisiinayo Laba Beelood

0
525

Adhi-Cadeeye (Hargeisa Press): Waxaa Khamiistii shalay deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ka furmay shir nabadeed  lagu dhex dhexaadinayo laba beelood o o walaallo ah oo dhawaan ay deegaankaasi shaqaaqo ku dhexmartay.

Waxaana shirkaasi si rasmiya u furay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ay wehelinayeen taliyaha ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee aaga barriga sareeye guuto Cali Barre Xuseen, iyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool iyo saraakiil kale.

 

Sidoo kale waxaa shirka ka qayb gelaya Ergooyinka dhex dhexaadinta shir-nadeedkaasi iyo 34 xubnood oo ergooyin ah oo laga soo kala xulay labadda Ardaa ee hore dirirtu u dhex martay ee la heshiisiinayo.

Shirkan nabadaynta beelaha waxaa ka qayb gelaya ergooyin ka kooban 27 xubnood oo laga soo kala xulay beelaha kale ee gobolka Sool dega iyo sidoo kale 17 ergay oo kala metelaya labadda beelood ee la dhex dhexaadinayo.

 

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo furitaanka shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wax kastoo go’aamo ah oo lagu heshiiyo oo shirkaasi ka soo baxa ay sidooda u fulinayaan.
Waxaa isna furitaanka shirkaasi hadal ka jeediyay taliyaha ciidamada qaranka Somaliland ee aaga barri Cali Bare Xuseen.
Geesta  kale waxaa halkaas hadalo ka jeediyay xubno ka mid ahaa madax dhaqameedka labadan beelood dhex dhexaadinaya, kuwaasoo labadda dhinacba kula dar-daarmay in ay muujiyaan dabac-sanaan.

Waxaanay ku booriyeen in aanay wax kaloo dhibaato ah dhicin inta hawsha nabadayntu socoto, maadaama oo aan la soo celin Karin dadkii ku dhintay dhibaatadii hore u dhacday.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta iyo Madax Dhaqameedka Ee Furitaanka Shirkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here