“Cilmigu waa hubka uugu culus ee aad aduunka ku bedali karto” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

0
1468
Wasiirka Madaxtooyadda  Hersi iyo Wariye Cabdixakiin Shirwac
Wasiirka Madaxtooyadda Hersi iyo Wariye Cabdixakiin Shirwac

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxayd ahayd maanta kadib markaan ka qayb-galnay qalinjabinta dufcadii 6aad ee ka baxda Jaamacadda ADMAS University. Tirada ardaydan ayaa ahayd 416 arday oo kasoo qalinjabiyey kuliyadaha kala duwan ee jaamacadu ka kooban tahay.

“Education is the most powerful weapon we can use to change the world “ Nelson Mandela”

Isla caawa ayeyna ahayd markaan casho sharaf la qaatay , taasi oo muhiimadeedu ahayd in aan lasoo farxad iyo dareen qaybsado isla markaana nolosha dambe ee sugaysa dardaaran iyo duco uugu hibayno.

wasiir xirsi4

Waa dhab oo maanta ayey nolosha qaybteeda labaad bilaabayaan iyagoo ka fursad badan cid walba!, dabcan way ka fursad badan yihiin shalay oo maanta waa aqoonyahano dhiiran oo dhulkoodii jooga

“Waxaan idiinku hambalyeynayaa in Maanta wixii ka dambeeya aad ka xorowdeen in maskaxdiina cid kale adeegsato oo aad noqoteen aqoonyahano maankooda kaashan kara:“ Education is the key to unlock the golden door of freedom”

wasiir xirsi6

Waa hubaal oo maanta waxaad dhamaysateen shahaadada koobaad ee Jaamacadda taasi oo la macno ah in aad barateen sida loo kaluumaysto isla markaana aad ka maaranteen cid kaluun idin siisa marwalba”give a man a fish and you feed him for a day; teach a man to fish and you feed him for a lifetime”

HAA, adiga ayaa maanta kadib kaluumaysan kara oo badwaynta nolosha kala soo bixi kara noloshaada ogow fursadu hadyad maaha ee waa mid u baahan dhabar adayg, samir iyo adkaysi si aad guushaada iyo yoolkaaga u gaadho Barta oo samaysta ururo iyo kooxo abuuran karo fursado shaqo oo halkii ay cid u shaqayn lahayeen iyaga loo shaqeeyo.

wasir xirsi 8

“tusaale ahaan maanta waxaad ku qalinjabiseen 416 arday , arday walbana semester –kii waxaa laga qaadi jiray lacag dhan $230, taasi oo la macno ah in aad bixin jirteen lacag dhan $95,680 bal u fiirsada oo maxaa diidaya in aad samaysan kartaan afartii biloodba “Semester” hal mashruuc oo ay u shaqo tegi karaan tobonaan iyo tobanaan idinka mida.?! Waa hadii aad samaysaan nidaamka isla macaashka “shareholders”

Waan idinku riyaaqsanahay oo rajo badan ayaan ka qabaa in aad nolosha ku guulaysan kartaan waayo waxaad beerateen beer wanaagsan Ogow aqoonta aad baratay waa passport-kii noloshaada beri.

“Education is the passport to the future and tomorrow belongs only those who prepare it today” Malcolm X

Gabagabadii waxaan idinkala dardaarmayaa in aad nolosha ku qaabishaan cabsi aad ka baqaysaan mustaqbalka ,hadda ogow waxa gaajo iyo shaqo la’aan kaaga cabsiinaya waa shaydaanka oo ku iloowsiinaya in aad leedahay rabbi adoo uurka hooyadaa ku jira ku arzaaqi jiray!

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Haka welwelin hana ka cabsan mustaqbalka oo ha dhagaysan shaydaanka marwalba kugu cabsi gelinaya Faqri, sida Illahay qur’aankiisa ku sheegay


الشيطان يعدكم الفقر ويأمركم بالفحشاء والله يعدكم مغفرة منه وفضلا والله واسع عليم

Ku soo dhawaada nolosha idinko madaxiinu kor yahay rajo badana nolosha ka qaba.

 

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Hersi Ali Haji Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here