Aas Qaran oo Loo Sameeyey Maareeyihii Dekeda Jabuuti Sacad Cumar Geelle

0
1324

Djibouti (Hargeisa Press)- Waxaa maanta dalka Jamhuuriyada Jabuuti Aas qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Maareeyihii dekedda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan geeriyooday.

Aaskan loo sameeyay Maareeyihii Dekedaha Jabuuti ayaa waxaa hormuud ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Sidoo kale, Waxaa Aaskan ka qayb galay Wafuud ka kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka maaliyada Itoobiya Axmed Shide, Ganacsato, Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.

Sacad Cumar Geelle oo ay Walaalo ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku Geeriyooday Dalka Faransiiska oo uu muddo ku sugnaa.

Hargeisa Press Desk/Djibouti Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here