48 Qof oo Ku Dhintay Shil Baabuur oo Ka Dhacay Kenya

0
537

Nairobi (Hargeisa Press)- Ugu yaraan 48 qof, ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ka dhacay magaalada Londiani ee galbeedka Kenya fiidnimadii Jimcaha, kadib markii gaadhi xamuul ah oo siday konteenar shixnad ah uu waddada ka baxay kadibna uu ku jiidhay dhowr baabuur, sida ay sheegeen booliska iyo goob-joogayaal.

Muuqaallo laga soo duubay shilkan oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah, ayaa muujinayay burburka baabuurta iyo mootooyinka oo ay barbar socdeen bas yar iyo baabuur kuwa xamuulka ah oo burburay.

Taliyaha booliiska gobolka, Tom Odera, ayaa sheegay in dhimashadu ay marayso 48 fiidnimadii Jimcaha.

Laanqeyrta cas ee Kenya, ayaa sheegtay in gaadhigan xamuulka ah uu jiidhay in ka badan lix baabuur, islamarkaana uu dilay dad lugeynayay, waxayna intaas ku dartay in inka badan 20 dhaawac ah ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaallada deegaanka.

“Dalku waxa uu la murugeysan yahay qoysaskii eheladooda ku waayay shil bahalnimo oo ka dhacay magaalada Londiani,” ayuu madaxweynaha Kenya William Ruto ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Shilkan, ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii la soo dhaafay ka dhaca waddooyinka dalka Kenya.

Sannadkii hore 34 qof, ayaa ku dhintay bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen uu ka dhacay buundo, kuna dhacay webiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here