Baraf iyo Dabeylo Ku Dhuftay Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
1062

Jigjiga (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan dowlad deegaanka ay ka da’een baraf iyo dabeylo xoogan.

Deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jigjiga iyo Wajaale, ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inay ka da’een barafka iyo dabeylaha isla socda oo la sheegay inay tahay markii ugu horeysay inta la ogyahay oo deegaanadaasi lagu arko baraf iyo dabeylo xoogan oo isla socda

Waxaa lagu soo waramayaa in markii ugu horrayay ay tahay oo dowlad deegaanka Soomaalida lagu arko baraf sida dhagaxa oo kale ah u soo daadanaya.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in barafku uu fadhiistay masaafo dhan 10 KM oo u dhaxeysa deegaanada Gobyarrey iyo Haroreys, kaasoo qariyay dhamaan wadooyinka, hayeeshee lama sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabeylaha iyo barafka is watay marka laga reebo waxyeello soo gaadhay xarun lagu baadho dadka iyo gaadiidka, iyo saqafka aqallada oo ay qaar dumiyeen dabeylaha iyo barafka.

Dabeylaha iyo barafka ka da’ay saacadahii la soo dhaafay deegaanada ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa la xidhiidhinayaa inay qeyb ka tahay isbadalka Cimilada Adduunka.

Dadka ku dhaqan deegaanada u dhaxeeya Jigjiga iyo Wajaale, ayaa si weyn u hadal haya barafka iyo dabeylaha isla socda ee halkaas ka da’ay Shalay, iyagoona ka cabsi qaba in markale ay soo laabtaan dabeylaha iyo barafka is wata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here