Xildhibaanada Ingiriiska oo Somaliland Ku Taageeray Dagaalka Ay Kula-Jirto Kooxaha Huwanta

0
2210

London (Hargeisa Press)- Xildhibaan Sir Gavin Alexandar oo ka mida Xildhibaanada Barlamaanka dalka Boqortooyada Ingriiska, ayaa ka hadlay dagaalada cidamada qaranka Somaliland ay kula jiraan Kooxaha Huwanta iyo Argagixisada ah ee duulaanka ku soo qaaday Somaliland.

Gavin Williamson, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada Qaranka Somaliland ku saxan yihiin difaacida dalkooda, islamarkaana ay tahay waxaa qaranimadu ku dhisan tahay.

Wuxuu sheegay in inuu soo dhawaynayo wada xaajood lagu dhameeyo arrinta magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi, “Waxaanu doonaynaa wada xaajood, waxaan doonaynaa nabad, iyo in dadka isu-yimaadaan nabad.”

Xildhibaan Gavin oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu xusayay 26 June oo masuuliyiinta safaarada ee Ingiriisku soo qabanqaabiyeen ayuu ka sheegay in la gaadhay wakhtigii beesha caalamku aqoonsan lahayd madaxbanaanida Somaliland.

Waxaa kale oo uu sheegay inay Somaliland wakhti xaadirkan u diyaarsan tahay inay aqoonsi buuxa ka hesho Caalamka, si buu yidhi ay uga badbaado aafooyinka iyo mushkiladaha ka taagan mandaqada Geeska Afrika iyo Argagixisada.

Xildhibaan Sir Gavin Alexandar, ayaa ka mid ah Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Ingiriiska ee la dhacsan horumarka iyo guulaha ay ku talaabsatay Somaliland, isagoona markasta si weyn ugu ololeeya sidii ay Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dalalka adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here