Marwo Faadumo Siciid iyo Haweenka Xaafadda Ibraahim Koodbuur oo Gurmad u Fidiyey Guryo Ay Daadadku Qaadeen + Fashilka Dawladda Hoose ee Hawlaha Shaqo ee Caasimadda

0
816

Hargeysa, (HargeisaPress) —Marwo Faadumo Siciid iyo qaar ka mid ah haweenka xaafadda Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, ayaa si weyn ugu soo gurmaday qoys aqalkoodii hoyga u ahaa ay daadadka iyo raxmaadka Eebe waxyeeleen isla mar ahaantaana ay biyahii ku soo fatahay ku sababeen in dhibbaato soo gaadho gurigaasi, waxaana ay qalabka qodista beeraha u soo qaateen siddii ay gacan uga geysan lahaayeen Moos weyn oo biyaha lagaga horjoogsanaayo in ay gurigaas ku soo fatahaan, iyaga oo sida oo kalena eedeeymo kul kul iyo weliba dhalliilo xooggan u soo jeediyey dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa, oo  ay sheegeen in ay gabeen shaqadoodii iyo weliba xilkii ay umaddu u doorteen.

92d35b13-1504-4b11-8e22-4df979100945

 

Marwo Faadumo Siciid oo fidinta gurmadkan hormuud ka ahayd, ayaa iyada oo warbaahinta la hadlaysa, ay sheegtay in ay si muwaadinimo leh ay u qabanayaan shaqaddii dawladda hoose ee Hargeysa oo ay tilmaantay in ay gebi ahaan ilaaween wixii loo soo doortay, waxaana ay ugu horreyn faah faahin ka bixinaysaa u jeedka ay u sameynayaan gurmadkan.

1d79e0f5-00ce-4203-8ade-aab5c9ea2efc

 

“Hawshaa aad arkeysaan ee aanu saaka qabaneynaa waa shaqaddi Dawladda Hoose ee Hargeysa oo gabtay xilkeedii, isla mar ahaantaana ku kaliftay haweenkii xaafadda Ibraahim Koodbuur iyo Aniga oo Jaarkoodii ah in aanu gurmad ugu nimaadno guryahaas aad arkeysaan ee ay daadadku qaadi gaadheen guryahan jaarkayaga ah, waxaana aniga oo Faadumo ah aan taleefan u diray Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko, waana uu tahli kari waayey in uu yimaado oo uu wax ka qabto halkan, dawladda hoose waxa kaliya ay taqaanaa sida a cashuurta uga qaadaan dadka masaakiinta ah.”.Ayey tidhi Faadumo Siciid.

d9d89ae6-5288-4f60-b09b-f52ee25ed765

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here