“Xukuumadu dedaal badan ayay ku bixisay in Laasciidle ay biyo macaan hesho…”

0
410

Laasciidle (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa sheegay in xukuumadu ay dedaal badan gelisay sidii ay degmadda Laasciidle u heli lahayd biyo macaan.

Waxaanu tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay sidii bulshadda degmadda Laasciidle oo ka tirsan gobolka Saaxil ay biyo nadiifa u heli lahaayeen.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madal ay bulshadda degmadda Laasciidle kula hadleen wefti wasiirro iyo masuuliyiin kale oo safar shaqo ku soo maray degaamadda Barriga gobolka Saaxil.


Waxaana weftigaasi ka mid ahaa wasiirka wasaaradda Cadaaladda JSL Saleebaan Warsame Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta C/kariin Aadan Cadde, iyo masuuliyiin kale.

Weftigan wasiirrada iyo masuuliyiinta kale isugu jiray ayaa soo kormeeray mashaariic horumarineed oo kala duwan oo ay xukuumadda Somaliland ka hirgelisay Laasciidle, kuwaasoo isugu jiray mashaariic socda, iyo qaar la dhamaystiray.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, oo la hadlayay qaybaha kala duwan ee bulshadda Laasciidle, ayaa kula gor-gortamay in xukuumad ahaan ay dedaal badan geliyeen sidii biyaha looga haqab tiri lahaa dadka ku nool degmadda Laasciidle iyo nawaaxigeedda.


Waxaanu yidhi, “Xukuumadu dedaal badan ayay ku bixisay in Laasciidle ay biyo macaan hesho. Dhulkan oo dhan deraasaad ayaa lagu sameeyay, markii hore waa la waayay meel biyo macaan laga keenno.

Dumeerra waa tii la damcay in biyo looga doono degmadda 18KM ayay noqotay.
Waanay socon wayday oo qoladii shirkadii ee lacagta badh bixinaysay, ayaa lacagtii ka soo bixi wayday”.

“Madaxweynuhu isagoo aan caafimaad ka hadlin, oo aan amni ka hadal, oo aan waxbarashadii ka hadal, ayuu yidhi Laasciidle biyihii ma loo sameeyay.

Dhaamkan imika la qoday ALLE SWT ayaa inoo suurto geliyay wakhti dheer ayay soo qaadatay. Waana in aad inoo ilaalisaan biyahan Dhaamka, kuwan ayaan korodhsanaynaaye” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here