Xukuumadda Somaliland oo U Digtay Taliyaha Jabhada SSC Ee Buuhoodle

0
1257

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa sheegay in aanay cidna kala gorgortamay in qas iyo Nabedgalyo daro laga abuuro Magaalada Buuhoodle.

Wasiir Cabdirashiid Qambi, ayaa digniin u diray taliyaha jabhada la baxday SSC Cabdirashiid Madoobe, oo ciidan urursi ka wada deegaanada hoosyimaada degmada Buuhoodle.

Cabdirashiid Qambi, ayaa sheegay in taliye Madoobe, uu ku janjabay in uu weerarayo magaalada Buuhoodle, islamarkaana uu dad ku layn doono halkaa, iyo in uu Somaliland weerar ku qaadayo, islamarkaana aanay jirin cid uu wakiil uga yahay nabada Buuhoodle.

Waxaanu wasiirku ku eedeeyay Taliye Madoobe in uu jid gooyo u dhigto dadka deegaanka, isagoo ku hanjabay in talaabo laga qaadi doono, hadii uu isku dayo in uu dhibaateeyo dadka deegaanka Buuhoodle.

Wasiir Qambi oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin cid uu wakiil uga yahay nabada Buuhoodle Ninka la yidhaahdo Madoobe.

”Waxa aan doonayaa in ka jawaabo Nin la yidhaahdo Madoobe oo aaga Buuhoodle jooga arimo uu wadwaday oo marba 50 Inan meel soo taaga, waxaana uu sheegay in uu Somaliland weerarayo iyo Bulshada Buuhoodle dagan. waxaana Somaliland ka go,an in aanay cidna kala gorgortamayn wixii ficil rabshad iyo Nabedgalyo darro Umadda Buuhoodle dhexdeeda ka abuuraya mana jecla Xukuumadda nabada Buuhoodle in qas ka doorato,Xukuumadda jirtaa waa wax aad iyo aad iskaga ilaaliso waxaana aan leeyahay Nin kaas bal sheeg Garaadada Buuhoodle ee kugu yidhi Nabada Buuhoodle ayaad masuul ka tahay adiga oo qaadicil dariiq dhuumanaya ah.waxba marba jidka ha taagin afar qof oo ha, odhanin dadka deegaanka ugu caansan ka soo daga gaadhiga,”.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in la soo hordhigi doono wixii Madoobe uu ka gaystay deegaamadaas.Waxaana uu yidhi’Waxa aad maraysaa in aad tidhaahdid Buuhoodle ayaan qabsanayaa waana is kuu mubaax,hadaad irbad dhub u gaysato walaahi in Somaliland kaaga hadhan xadka waana gabogabo in lagu soo hordhigo wixii aad gaysatay ama Laascaanood ha,ahaato ama Buuhoodle ha,ahaato iyo fidmooyinka aad Burco ku soo fidinayso raaska uu u dhashay waa Nabad doon waase jiraan dad xumaanta ku dugsanaya, Buuhoodle waa is ogtahay dagaalna loo gama sheekeeyo in badan ayaa dadka kuu dulqaadanayeen oo aan ogahay waxaasina kali ayay kugu ahaan doonaan cid kugu taageeraysaana majirto,waana la ogyahay wax jabhada oo aad tahayna majirto,culimadii in aad Magaalada ugu hanjabayso ayaan ognahay,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here