Xukuumadda Somalia oo Ku Dhawaaqday Sedax Maalin oo Baroor Diiq Ah, Guddina U Saartay Aaska Guddoomiye Yariisow

0
621
Muqdisho (Hargeisapress)- Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Cisbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisal Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah.

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Cisbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

 

Wariye: Xamse Jirde

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here