Xukuumadda oo Sheegtay Inay Kuraasta Ugu Badan Ka Heli Doonto Gobollada Galbeedka

0
1463

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Talada Somaliland haysa ee Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegtay inay ku rejo weyn tahay inay hesho kuraasta ugu badan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee Gobollada Galbeedka dalka, marka la gaadho doorashada isku sidkan.

Wasiirka Wasaaraddda Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ahna Guddoomiye ku xigeenka afraad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa munaasibad loo qabtay Musharixiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Gobollada Maroodijeex, Saaxil iyo Awdal, wuxuu xusay inay ku rejo weyn yahay sidii ay ku heli lahaayeen kuraasta ugu badan ee saddexdan Gobol, inkasta oo uu tilmaamay in tartan adag ay la galayaan Xisbiyada mucaaradka.

“Haddaad geedka hoostiisa seexato nasiiba ma lihid, marka in la dedaalo oo qasdiga aanu u jeedno ka midho dhalisaan ayaa muhiim ah, waa la inala tartamayaa, laakiin waxaan ILLAAHAY ka rejaynayaa in inta ugu badan kasbano, waliba khaasatan Gobolladan aanu iskugu kiin yeedhnay, waxaan rejaynayaa inta ugu badan inaynu kasbano, ma wada helayno oo Rag baa inala tartamaya, laakiin waa inaynu dedaal badan muujino, taas baa muhiim ah, tani waa dhiirigelin, dhiirigelinta waxaanu idinku ilawsiinaynaa dhibta aad soo marteen, ee waxaan rejaynayaa maalinta ay hawshaasi dhammaato in in badan oo idinka mid ahi soo baxdo, waliba inaad soo wada baxdaan waan jeclaan lahaa, laakiin waxay ku xidhan tahay hawsha aanu galno, dagaalka aynu galno ayey ku xidhan tahay.”

Wasiirku wuxuu mar kale la dardaarmay musharraxiinta “Waa inaynu ku dedaalnaa, waxaan rejaynayaa maalinta laga soo dhamaado inaynu halkan isku nimaadno, inagoo tamar cusub oo farxad leh idinka oo ku jira, waayo weli waad foolanaysaan, markaas idinka oo dhigay oo farxaan ah, ayaan halkan iskugu imanaynaa…”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here