Dowladda Kenya oo Ka Hadashay Qunsulka Ay U Magacowday Somaliland

0
1909

Nairobi (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Ababu Mamwamba, ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiin uu ku jiro qunsulka  cusub ee Kenya u soo dirayso Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Barta Twitterka ay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, waxa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Ababu Mamwamba uu diblomaasiyiintaas kala hadlay Xidhiidhka caalamiga ah iyo  diblomaasiyadda, hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ma ay shaacin magaca qunsulka ay Somaliland u soo magacowday.

Somaliland iyo Kenya ayaa iskaashigooda diblomaasiyadeed sii xoogaysanayey sannadihii u dambeeyey, waxana Somaliland ay tobankii sannadood ee la soo dhaafay ku lahayd Xafiis Wakiil oo ka shaqeeya isku-xidhka masaalixda iyo danaha labada dawladood.

Kenya waxa ay ku soo biirtay dalalkii Somaliland ku lahaa Xafiisyada oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Turkiga, Ingiriiska iyo Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here