Xukuumadda oo Sheegtay In Weerar Lagu Soo Qaaday Ciidamada Qaranka

0
2517
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Laascaanood (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in saaka Ciidamada qaranka Somaliland, ay weerar ku soo qaadeen Kooxo Argagixiso ahi.

Qoraal lagu baahiyay bogga Facbook-ga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kooxo xagjir ahi, ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidanka qaranka ee duleedka magaalada Laascaanood.

Waxaa kale oo qoraalka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland lagu sheegay in ciidamada qaranku ay iska difaaceen weerarkaasi, islamarkaana ay ciidamadu ku sugan yihiin xeryohoodii.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii”. ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xukuumadda, ayaa inta ku dartay in weerarka saaku uu imanayo xili ay ka xukuumad ahaan xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah.

Waxay sheegtay Xukuumaddu in kooxo argagixiso ahi ay ka danbeeyaan weerarka, iyaga oo doonaya in aanay dhaqangalin xabad-joojintu.

Si kastaba, weerarkan, ayaa imanaya kadib markii ay Xukuumadda Somaliland Xalay ku dhawaaqday xabad-joojin shuruud la’aan ah.

Xubnaha wasiirrada iyo xildhibaanada ah ee hawshaasi u joogay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in xukuumaddu ay diyaar u tahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado, si loo soo afjaro dagaalka magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here